Allbanaadir.com
NEWS

Bacadlihii Xamar Weyne oo la duminayo & Mall casri ah oo laga dhisayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Mall weyn oo caalami ah kaasoo laga dhisaayo Dhismaha suuqii Bacadlaha ee Degmada Xamarweyne.

Suuqaan Casriga ah ayaa ka koobnaan doonna illaa 500 dukaamo, goobo nasasho, Xafiisyo, Bankiyo iyo goobo caruurta lagu madadaaliyo.

Talaabadan ayaa ka dhigan in guud ahaan la duminayo Suuqii baclaha Xamar-weyne oo ka kooban in ka badan kun dukaan, kaasoo ay dhistay dowladii kacaanka ee la riday 34 sano ka hor, waxaana xusid mudan in dhismahan oo ka kooban 3 dabaq la duminayo, iyadoo aan la degin, waxaana haatan maalgashanaya ganacsato heshiis la gashay DF.

Duqa Muqdisho sheegay in Maamulka Gobolka uu dhiiragalinayo talaaba kasto oo maalgelin taasoo lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maamliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka Degmada Xamarweyne iyo Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Shirweyne Qaran ka furay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xaalada cudurka Coronavirus ee dalka China oo War wanaagsan laga soo saaray

Caydiid Ali

Cunug yar oo lagu riday Musqul iyo ciidamo si deg deg ah usoo bad baadiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---