Allbanaadir.com
NEWS

Sameh Shoukry oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mudane Sameh Shoukry ayaa nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa uga Mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay.

wuxuu u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay inu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo Labadda dal gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Danjiraha ayaa la filayaa inuu sidoo kale warqadaha aqoonsiga ka gudoomo Madaxweynaha dalka Masar al Sisi, wuxuuna bedelayaa danjirihii hore ee Somalia u fadhiyey dalkaas oo muddo xileedkiisu dhamaaday.

Related posts

Elon Musk oo si rasmi ah ula wareegay shirkadda Twitter, shaqadana ka eryey..

Caydiid Ali

Ukraine oo 158 Dayuuradood ku weerartay Moosko

Caydiid Ali

Cali Mahdi Ma Carona ayaa dilay Mise cudur kale ? iyo Xaaskiisa oo isbitaal ku jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---