Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Won Sam iyo xogta waxii ay kawada hadleen (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

Related posts

(Sawirro) Boqolaal arday oo sanadkan ka qalin jebisey Jaamacadda Benaadir

Caydiid Ali

Kheyre oo maanta booqasho ku tagaya mid kamid ah xarumaha maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Xassan Shiikh taageero culus ka helay dhaqanka iyo siyaasiyiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---