Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay sarkaal ka tirsan Al shabaab

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandoska Danab XDS ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyeen Deegaanka Kaamjiroon oo 75km dhanka galbeed kaga beegan magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Howlgalkan ayaa lagu qaarijiyey sarkaal Al shabaab u qaabilsana waxay ugu yeeraan Zakawaadka iyo Qeybta Sirdoonka.

“Ciidanka Kumaandoska Danab XDS ayaa ah kuwa hurdada u diida Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaariijta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Danab.

Qoraalka laguma sheegin magaca sarkaalka la sheegay in laga dilay Al-shabaab iyo hadii uu jiro khasaare kale oo howlgalkaas ka dhashay.

Ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa howlgalo ka wada degaano ka tirsan Jubooyinka oo ay ku xooggan tahay kooxda Al shabaab.

Related posts

Dilal aargoosi ah oo ka dhacay Jowhar iyo xaalada magaalada oo kacsan

Caydiid Ali

Seefta Ra’isul Wasaare Rooble oo dulsaaran Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid !

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa oo gaaray Kambala & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---