Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo wareejiyay dhul laga dhisayo xarunta Ciidanka Danab (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday Taliska qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika (ATMIS),si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada kumaandooska ee Danab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa diyaar-garoobayo hoggaaminta wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab.

Related posts

Maxaa ka jira in Khilaaf uu u dhaxeeyo Farmaajo iyo Kheyre ?

Cabdi Cade

RW Rooble iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay safar dibeda ah

Caydiid Ali

Xaalada Kaxandhaale oo degan & ciidan la dhex dhigay dhinacyadii dagaalamay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---