Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan oo dambi ku weysay Imran Khan iyo Shah Mahmood

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa meesha ka saartay xukun xabsi ahaa oo horey maxkamadda hoose ee Pakistan ugu riday Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan iyo Wasiirkiisii arrimaha dibadda Shah Mahmood Qureshi.

Labadan siyaasi ayaa horey maxkamadda hoose bishii Janaayo ee sannadkan ugu xukuntay sannado xabsi ah, kaddib markii maxkamadda ku heshay  kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda sare ee Pakistan ayaa lagu shaaciyay  in Imran Khan iyo Shah Mahmood lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnadii hore ugu dhacay.

Labadan siyaasi oo taageero badan ku leh gudaha Pakistan ayaa bishii Janaayo ee sannadkan maxkamadda hoose ku xukuntay min toban sanno oo xabsi ah, kaddib markii maxkamadda ku heshay dambiyadii lagu eedeeyay qaarkood.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisii Arrimaha Dibadda ayaa marar badan horey u beeniyay eedeymaha loo jeediyay, waxa ayna sheegeen in ay eedahaasi ahaayeen kuwa been abuur ah oo lagu sumcad dilayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Munaasabad xalay ka dhacday Villa Somalia & Farmaajo oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo War kulul ka soo saaray weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---