Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad goboleed kale oo ka hor yimid qorshaha DF ee dalka looga saarayo ciidanka Itoobiya

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in talaabada DF ay dalka uga saareyso ciidanka Itoobiya ku tilmaamay xaalad adag.

Maxamuud Sayid Aadan oo haatan jooga Muqdisho ayaa sheegay in cida kaliya ee arrintaas ka faa’iideysa ay tahay Al shabaab.

“Ma ahan arrin la isku raaci karo hadda, Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Juballand

Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa horey u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya ay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space ay ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

 

 

Related posts

Amiirad Basma Bint Sa’ud oo mudo dheer kadib xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade

DF oo shaacisay xiliga uu dib furmayo Shirkii Golaha wadatashiga

Caydiid Ali

Xaaf oo la kulmay wafdi ka socday UN-ka oo gaaray Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---