Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Kumandoska Somalia oo kaabiga ku haya degmada Jamaame (Daawo Sawirro)

Howlgal milateri ayaa maalintii labaad ka socda degaano u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose halkaasoo ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalkaaas ka qeyb qaadanaya waxayna ka wadaan tuulooyin u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Jubbaland Sareeya Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) ayaa sheegay in howlgalkii shalay ay ku dileen 10 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab

Waxaa uu intaas ku daray inuu sii socon doono howlgalka, ayna haatan ciidamadu ku sugan yihiin degaano ku dhow Jamaame isagoo xusay in maalmaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmada Jamaame oo muddo dheer ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo Magacaabay guddi amni oo uu ku jiro Madaxweyne hore (Magacyada)

Caydiid Ali

(Sawirro) Qarax caawa ka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasiiro & Saraakiil ku baxay ciidamadii saaka ka soo baxay degaano ka tirsan Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---