Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Iska horimaad hubeysan oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Sida warku sheegayo iska horimaadka ayaa bilowday ka dib markii dableyda hubeysan ay weerareen saldhig ciidamada dowladu ku leeyihiin Ex-Shineemo Cabdi Waayeel oo ku dhow Isbitaalka SOS.

Gantaalaha garabka laga rido ee baasuukaha loo yaqaan iyo rasaas ka dhaceysay hubka fudud ayaa la isku weydaarsaday iska horimaadkan oo socday muddo kooban.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay iney cabsi soo wajahday intii uu socday iska horimaadkan, ayna ka walaaceen in hubka la isweydaarsanayey uu guryahooda ugu tago.

Xaalada degmada heliwaa ayaa saaka degan, lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkii xalay mana jiro war ka soo baxay saraakiisha dowlada iyo kuwa Al-shabaab oo la xiriira iska horimaadka xalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kalkaalisadii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho ugu geeriyootay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

(Akhriso) War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Somalia

Caydiid Ali

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---