Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo bilaabay in ay ganaaxaan dadka aan heysan Fasaxa Xajka iyo Digniin lasoo saaray

Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada dedaalo xooggan oo looga hortagayo in dhulka barakeysan soo galaan dadka aan heysan fasaxa xajka ee sannadkan, waxa ayna dowladda soo saartay digniino adag.

Hay’adaha Ammaanka guud ee Sacuudiga ayaa billaabay dhaqan-gelinta la xisaabtanka dadka ku xad-gudbay xeerarka xajka iyo awaamiirta ee lagu qabto iyaga oo aan haysan fasaxa Xajka ee gudaha magaalada Maka, gobolka dhexe, goobaha barakeysan, saldhigga tareenka ee Al-Haramain ee Al-Rusaifah, xarumaha ammaanka.

Muwaadiniinta, dadka deegaanka iyo dadka soo booqda ee lagu qabto gudaha goobaha Barakeysan ee aan heysan fasaxa xajka ayay laamaha ammaanka ganaax ahaan u qorsheeyeen lacag dhan (10,000) riyaal ah iyo sidoo kale in la masaafuriin doono kuwa ku nool Sacuudiga ee ku xadgudba lagana mamnuuci doono in ay soo galaan Boqortooyada si waafaqsan muddooyinka sharcigu tilmaamayo.

“Waxaa xusid mudan in qofkii lagu qabto isagoo ku xad-gudbiya awaamiirta xajka ay tahay xarig dhan (6) bilood iyo ganaax lacageed oo dhan (50,000) Riyaal, iyo in lagala wareego agabkiisa gaadiidka, iyo masaafurin haddii uu yahay qurba-joogta ka dib fulinta ciqaabta, Waxa ka mamnuuc ah in uu soo galo Boqortooyada si waafaqsan muddooyinka sharcigu tilmaamayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adaha Ammaanka Sacuudiga.

Hay;addaha ammaanka u qaabilsan Sacuudiga ayaana muwaadiniinta dalkaasi u diray farriimo ay uga codsanayaan in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, lana soo wadaagaan xogaha dadka sida sharcidardaa ku doonaya in ay ku xajiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa kula kulmay António Guterres

Cabdi Cade

Jubbaland oo sheegtay iney la dagaalameyso ciidamada dowladu geysay Gedo

Caydiid Ali

Magacaabista Fahad Yaasiin Maxey ka badali kartaa Hay’ada Nabad Sugida ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---