Allbanaadir.com
NEWS

Xubno lagu tuhunsan yahay Daacish oo lagu qabtay Bosaaso (Sawirro)

Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaaladaas

Saraakiisha ayaa sheegay in la soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxaha al shabaab iyo Daacish

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha la soo qabtay oo la aaminsan yahay iney kooxda Daacish u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka PSF.

“Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee Khawaarijta, waxaana ku socda baaritaan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidanka.

Related posts

Xukuumadda Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii lala beegsaday Ingineerada Turkiga

Caydiid Ali

Dowlada oo soo bandhigtay Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo daahfuray dhaqan galka heshiiska Somalia & Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---