Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Muxuu Wasiir Fartaag kala hadlay Danjire Alper Aktaş?

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş

Waxay ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay Turkigu siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

Related posts

Kheyre iyo Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo

Cabdi Cade

Xogta xirmooyinka Shidaalka halka uu ka baarayo Markabka Oruc Reis

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dalalka Somalia la deriska ah oo lagu arkay dad qaba Viruska Corona

Caydiid Ali
Taboola Ads ---