Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo lagu casuumay Congreska Mareykanka & muran ka dhashay

RW Israel Netanyahu ayaa lagu martiqaaday inuu khudbad u jeediyo Congress-ka Mareykanka, sida uu xaqiijiyay xafiiskiisa oo qoraalka ka soo baxay ku sheegay

Netanyahu ayaa noqon doono hoggaamiyihii 1-aad ee adduunka oo markii afaraad khudbad u jeediya Congress-ka.

Mowduucan wuxuu qabsaday warbaahinta, maaddama dhacdadan ay ku soo aaday xilli ay dunidda ku fideyso nacaybka loo qabo Netanyahu oo ka dhashay xasuuqa arxan-darrada ah ee uu kula kacayo Falastiiniyiinta.

Fallanqeeya iyo wariyaha Turkiga ah ee Dr Maxamed Cabelki, wuxuu sheegay in martiqaadkan aan loo qaadan karin wax iska caadi ah, sababto ah Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare kasta looma fidiyo martiqaad sharafeed si uu hadal ugu jeediyo Congress-ka Mareykanka, waana arrin ku dhacda xaaladdo gaar ah, sida  in Maraykanku doonayo, tusaale ahaan, inuu heshiis weyn la galo waddan gaar ah ama Mareykanka wuxuu leeyahay ujeeddo ah inuu u adeegsado dal, xal u helida ama cadaadiska xaalad ka jirta dal kale, markaa oo la isku raaco in hoggaamiyaha dalka danta laga leeyahay lagu martiqaado xarunta Congress-ka.

Hoggaamiye kasta oo lagu casuumo Congress-ka ayaa la hadla 100 senator iyo 435 xubnood oo ka tirsan golaha wakiillada, qof kasta oo ka mid ah ayaa si diiran u soo dhaweeyo oo hadalka hoggaamiyaha dhageysta.

Waa markii saddexaad muddo 15 sanno ah oo madaxda Israa’iil lagu casuumo inay ka hadlaan Congress-ka. Laba casuumaad waxaa helay  Netanyahu, halka uu yahay hoggaamiya kale ee Israa’iil oo xaruntaa hadal ka jeediyay

Wuxuu martiqaadka u fidiyay Mareykanka qof lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal, kumannaan shacabka Israa’iil ah ayaa dhigaya bannaanbax ka dhan oo ay ku dalbanaya inuu xilka ka tago, waa hoggaamiye bixiyay amarka in dad shacab ah oo carruur u badan lagu gubo teendhooyin, taaso ka nixisay dadweynaha adduunka. Si la mid ah dadweyne badan oo Mareykanka ah ayaa diiddan hoggaamiyaha lagu maamusay hadal ka dhacaya xarunta sharci-dejinta, iyadoo jaamacadaha Mareykanka si isku mid ah uga dhacayaan bannaanbaxyo loogu soo horjeedo.

Senator-ka Mareykanka ah Bernie Sanders, wuxuu ka digay in Netanyahu lagu casuumo inuu khudbad u jeediyo golaha Congress-ka  Mareykanka , isagoo yiri ; “ Netanyahu waa dambiile dagaal.. martiqaadkiisa in uu khudbad ka hor jeediyo Congress-ka waxa ay ka dhigan tahay maalin murugo u ah Maraykanka – Israa’iil xaq uma laha in ay boqollaal kun oo carruur ah ku xukunto gaajo Qasa.”

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Won Sam iyo xogta waxii ay kawada hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

Afhayeenka Taliban”Isbedel weyn ayaa ka jira sida aan nahay hadda iyo 20-sano ka hor”

Caydiid Ali

Xamse Barre oo labo qodob kula dardaarmay Culimada Diinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---