Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo maalmo ka dib xubin ka noqoneysa Golaha amaanka ee Q/Midoobay

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 2024-2025 ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartamin kursiga dhanka wadamada Afrika.

Codbixinta ayaa la qorsheeyay 6-da Jun, 2024ta  inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama ayaa u tartamaya shanta kursi ee diyaarsan. Dhammaan shanta murashax ayaa hore uga soo mid noqday golahan, Pakistan ayaa markii toddobaad ka mid noqoneysa golaha, Panama shan jeer, Danmark afar jeer, Giriiga laba jeer, halka Soomaaliyana ay markii labaad xubin ka noqoneyso xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.

Musharaxnimada Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka helay Midowga Afrika (AU). Fadhigii caadiga ahaa ee 44-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika bishii Febraayo 2024, ayaana lagu ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.

Ansixintan ayaa keentay in la baabi’iyo tartamayaasha kale, oo ay ku jiraan Mauritius iyo Madagascar.

Soomaaliya ayaa ololaheeda waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay ka-hortagga colaadaha, horumar waara, iyo gargaarka bini’aadantinimo si wax looga qabto sababaha keena colaadaha.

Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheynaysa iney mudnaanta siiso arimaha haweenka, nabadda, iyo amniga (WPS) iyo ajandaha dhalinyarada, nabadda, iyo amniga (YPS), iyadoo xoogga la saarayo ka qaybgalka bulshada rayidka ah.

 

Related posts

Qoor Qoor oo Guddoomiyay Shir labo hindise sharciyeed oo Muhiim ah lagu ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada sare oo bilowday Dhageysiga Dacwadii Xisbiga Sheekh Shariif usoo Gudbiyeen

Cabdi Cade

Shir caalami ah oo beri ka furmaya Muqdisho iyo 50 dowladood oo ka qeyb galaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---