Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Masar iyo Madax kale oo kulan sagootin la qaatay Ilyas Sheekh Cumar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa siyaaba kala duwan kulamo Sagootin ah ugu sameeyay Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo ay u dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar daddaalladii diblomaasiyadeed, waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu ku howlanaa intii uu Masar ka howlgalayay iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, iyago xusay sida dowladda iyo shacabka Masar ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Sidoo kalle Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa ku amaanay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar inu xoojiyay xiriirka iyo wadashaqeynta ururka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Kulamada uu la yeeshay waxa uuna tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Masar, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor-qoor oo tababar u soo xiray ciidamo loo diyaariyey Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho iyo Rag hubeesan oo ka dagaalamaya..

Cabdi Cade

DF iyo AMISOM oo isla diyaariyey ajende la horgeynayo Golaha amaanka ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali