Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo arrimo muhiim ah maanta kala hadlay Frantz Celestin

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeesheen wadahadal miro dhal leh.

Wasiirka Amniga iyo Frantz Celestin ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen  waxa ay diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leeyihiin xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga xuduudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hay’adda IOM ayaa kamid ah hay’adaha sida weyn u taageera dowladad Soomaaliya, waxav ayna hay’adahan wada shaqeyn dhaw la leedahay qaar kamid ah ahy’adaha dowladad Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo kahor timid dhimista Ciidanka ATMIS eedeyna u jeedisay Dowladii Farmaajo

Cabdi Cade

Villa Somalia oo War ka soo saartay geerida Marxuum C/llaahi Cosoble Siyaad

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo Al-Shabaab kala wareegay saddex degaan oo ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---