Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Koox dhac xirfadeysan ka geysan jirtay Muqdisho oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta saldhiga Degmada Hodan ku soo bandhigay koox ka kooban 10 qof oo lagu eedeeyay inay lacago sharci darro ah ka urursan jireen qoysaska barakacayaasha.

Kooxdan ayaa la sheegay iney iska dhigi jireen Hay’adaha Samafalka ee bixiya lacagaha Kaashka ah, iyagooa dadka Barakacayaasha ah ka qaadi jriay sawirro iyo Foomam laga buuxiyo Magacyada qoysaskooda, kadibna ay khidmad lacageed sidaas uga qaadan jireen.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali, ayaa warfidiyeenada u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in kooxo nuucaan oo kale ay ka howlgalaan Gobolka Banaadir, iyagoona shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha Magaca Hey’addaha ku qaraabta.

Labada masuul ayaa intaa ku daray in kooxdan ay dadka masaakiinta ah ku dhici jireen magacyo been abuur ah sharcigana la soo taagayo dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xubnaha Golaha amaanka ee QM oo isku raacay xabad joojin laga dhaqan gelinayo bariga Ghouta

Caydiid Ali

Warbixin: Maxaad kala socotaa faa’iidada iyo Khasaaraha uu leeyahay Internetka?

Caydiid Ali

Weriye Abuuja oo Maxkamad la soo taagay & cadeymo loo waayey dil lagu eedeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---