Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan shiikh oo dhambaal u diray Dhaxal sugaha Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Fariintan waxaa siday siday Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geele

Dhambaalka qoraalka ayaa ahaa mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, waxaana guddoomay ku-Xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dhanka arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga, Danjire Sacuud bin Maxamed Al-Sati.

Ku-Xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dhanka arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga ayaa maanta ku soo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Danjire Daahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.

Related posts

Tillaabooyinka Xiga ee Villa Somalia qaadeyso kadib Eryiddii Safiirka Kenya !!

admin

Kooxdii ka dambeesay dilka Madaxweynaha dalka Haiti oo sir cusub laga helay

Cabdi Cade

Al-Shabaab: “C/casiis Afrika muddo dheer bay Mujaahidiintu ku raad joogeen”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---