Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madax katirsan dowlada oo Muqdisho kula shiray Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka K/Galbeed

Magaalada Muqdisho waxaa kusugan Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xildhibaanadan ayaana u badan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanadan ayaa diyaarad gaar ah looga keenay magaalada Baydhabo, waxaana xalay kulan gaar la qaatay Xildhibaanadaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Xildhibaaada uu la kulmay kala hadlay doorashada ka dhaceysa magaalada Baydhabo iyo muhiimada ay leedahay in maamulkaasi isbadal ku yimaado hogaankiisa.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo la qaataan madax kale oo katirsan dowlada Federaalka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaalia.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeenayaa in ay wadato musharxiin gaar ah oo u tartamaya doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dowlada la sheegay in ay ka go’antahay in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Warta Tunbuluq ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo

Cabdi Cade

Kenya oo qiratay in askar badan looga laayey qarax ka dhacay xadka Somalia

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari oo meel xun gaartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---