Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax loo maleenayo in uu yahay mid gaari lagu soo xiray uu ka dhacay laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka dhacay laamiga dhinaciisa gaar ahaan xarunta Daacad Car Care , waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca loo yaqaan qooqanta oo goobtaasi yaalay.

Qaraxan ayaa la sheegay in uusan khasaaro nafeed ka dhalan ,  waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay goobaasi.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan gaariga lagu soo xiray ee ka dhacay Muqdisho, waxaana inta badan gaadiidka Qooqanta isticmaala masuuliyiin dowlada iyo saraakiisha ciidanka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah fanaaniintii caanka ahaa ee hobolada Waaberi oo geeriyooday

Caydiid Ali

Milatariga Isra’il oo Gantaalo culus ku garaacay marinka Gaza (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta oo Fariin u dirtay Masaajida iyo Xarumaha diinta lagu barto

admin
Taboola Ads ---