Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Suuqa Ganacsiga ee BBS Mall (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Xasan Sheekh ayaana si gaar ah u tagay suuqa ganacsiga ee BBS mall oo ah suuqa ugu weyn ee dalka Kenya ayna hirgaliyeen ganacsato Soomaali ah, waxa uuna halkaasi Madaxweynaha waqti kula qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.

Suuqa BBS malla oo ay hirgaliyeen  ganacsato u badan Soomaali ah ayaa laga furay xaafada Soomaalida u badan tahay ee Islii, waxa uuna suuqan yahay mid weyn oo laga helo adeeg walbo oo ay dadku u baahan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo dalab yaab leh u dirsatay dowlada Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Trump oo shaaciyey inuu ka badbaaday afgembi xukunka looga tuuri lahaa

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo shaacisay in uu baaqday kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Cabdi Cade
Taboola Ads ---