Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadinkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Sanadkan cusub lagu dilay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed halka mid kalana lagu dhaawacay.

Kooxo burcad hubeesan ayaa weerar ku qaaday labo dukaan oo kuyaala Deegaanka Khayalisha ee magaalada Cape Town , waxa ayna halkaasi ku dileenĀ  Cabdulaahi Macalin Cali halka ay ku dhaawaceen muwaadin kale oo Soomaali ah.

Cabdi Calas Guure oo ahĀ  Gudomiyah jaaliyad south Africa Ee save Somali community ayaa caawa Allbanaadir u sheegay in labo weerar oo ma dhacay Deegaanka Khayalisha oo Capre Town katirsan dil iyo dhaawac loogu geestay labo muwaadin.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee caawa lagu dilay magaalada Cape Town ayaa noqoanaya qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu dilo dalka Koonfur Afrika sanadkan cusub, waxaana jira cabsi badan oo ku aadan in Soomaalida dalkaasi lagu beegsado.

Dalka Koomfur Afrika sanadkii tagay ee 2017-ka waxaa lagu dilay 139-qof oo Soomaali ah halka ku dhawaad 100-qof oo kale lagu dhaawacay, waxaana jirin cid u doodeysa Soomaalidan sida micno darada ah loogu laayo dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ā Fursad qaaliya: Dugsiga Amiin Quran Online oo soo kordhiyay course lagu baranayo higaadda inta lagu jiro fasaxa summerka

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo Gaalkacyo uga SocdaĀ Nicholas Haysom iyo Madaxda Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Waa maxay sababta ay dowlada Soomaaliya ciidamo ugu daad gureyneyso gobolka Gedo ?

admin
Taboola Ads ---