Allbanaadir.com
NEWS

Waddooyinka sida Sharcidarada u xiran ee Muqdisho iyo arrimo kale oo laga shiray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee maamukada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaana looga hadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka, goobaha adeega bulshada iyo qorshaha maareynta bulaacadaha.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sii wadida furista wadooyinka sida sharci darrada loo dhistay si bulshada loogu fududeeyo isku socodka, La-dagaalanka ama suulinta Geed Yahuudka oo dhibaato xoogan ku haaya Bulshada & Bay’adda, iyadoona la iskula xisaabtami doonno Nadaafada iyo Bilicda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa madaxda Degmooyinka kula dar-daarmay in bulshada loo turo adeeg hufanna la gaarsiiyo, asigoona faray in loo diyaar garoobo weyneynta Maalmaha Xorriyadda.

Related posts

Ilmada Waalidiinta Soomaaliyed ka qubaneysa ee caruurtooda aan ku heyn nolol & Geeri

admin

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Caano shubka Ugaaska Xawaadle

Caydiid Ali

DF oo War ka soo saartay tahriibayaashii ku dhintay xadka Giriiga & Turkey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---