Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhibanayaasha Gaadiidleyda Muqdisho oo cabasho u diray Dowlada (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay dhibanayaasha gaadiidleyda xamuulka qaada ee gobolka Banaadir, kuwaa oo ka cabanayay cadaalad daro lagu sameeyay iyo kambaniyo shaqsiyaad leeyihiin oo la siiyay maamulida gaadiidka ka shaqeeya Dekadda Muqdisho.

Afhayeenka Dhibanayaasha Gaadiidleyla Muqdisho Cabdulaahi Cali Faarax (Mujaahid) ayaa sheegay in ka badan 7-kun gaadiidka xamuulka qaada oo ka shaqeenayay dekadda in shaqada laga joojiyay xiligii dowladii Xasan Sheekh ilaa hadana aysan shaqeyn gaadiidkaasi.

Waxa uu xusay Afhayeenka in maamulka gaadiidka dowladii Xasan Sheekh ku wareejisay koox gaar ah kuwaa oo ilaa hada maamula, waxa uuna sheegay in kooxdaasi sabab u noqdeen in gaadiid badan shaqada laga joojiyo ayna ku qaribmaan garaashyada.

”Koox ayaa loo dhiibay maamulka gaadiidka dekadda, kooxdaasi waxa ay lacago ka qaadaan gaadiidka dekadda xamuulka ka qaaa, cidii ay doonaan ayey siiyaan boono ay lacago badan ku qaataan kuwii ay doonaan wey u diidaan ” Ayuu yiri Cabdulaahi Cali Faarax.

Dhibanayaasha Gaadiidleyda Muqdisho ayaa sheegay in xafiisyada dowlada dhan ay tageen una gudbiyeen cabashadooda, waxa ayna sheegeen in aan laga hoos qaadin cabashooda ay u gudbiyeen xafiisyada kala duwan ee Dowlada Farmaajo.

”Waxaa dekadda loo xiray shaqsiyaad aan gaadiid laheyn ,waxaana laga xiray dekadda ragii gaadiidleyda ahaa ilaa calan saarkii oo marxalado kala duwan dowlada ugu soo shaqeeyay, waxaan aheyn dadkii gaadiidkooda iyo lacagtooda lagu dhisay wasaaradaha iyo jidadka dalka, waxaana dhibaatadana nalagu hayo masuulka ah dowlada Federaalka oo siisay leesinka raga na caburinaya  ”Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa ay sheegeen Dhibanayaasha Gaadiidleyda Muqdisho in musuq maasuqa iyo dhibaatada ugu xoogan ay kala kulmeen Wasaarada Gaadiidka Xukuumada Soomaaliya iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Ugu Dambeyn Dhibanayasha Gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xukuumada Soomaaliya  in ay soo faragaliso musuq maasuqa lagu sameeyay ee shaqada looga joojiyay waxna ka qabato cabashadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya iska horimaadkii saaka ka dhacay degmada Waaberi

Caydiid Ali

Booliska Norway oo xabsiga u taxaabay nin la shaqeynaayey sirdoonka Ruushka

Caydiid Ali

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Hawiye oo ka shiray Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---