Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo si rasmi ah ugu wareejiyay qorshe qoran Oumar Sylla (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Agaasimaha Qaaradda Africa ee Hey’adda UNHABITAT Mudane Oumar Sylla.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta UNHABITAT iyo D/H/X, hiigsiga horumarineed ee caasimadda Muqdisho iyadoo diiradda la saarayo tiirarka kala ah qorsheynta magaalada, maaraynta qashinka, casriyeynta maamulka dhulalka iyo sidii ay Muqdisho xiriir wada shaqeyn ula yeelan laheyd magaalooyinka dhigeeda.

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Agaasimaha Qaaradda Africa ee UNHABITAT si rasmi ah ugu wareejiyay qorshe qoran oo lagu samayn doonno hawlaha iyo wada shaqaynta mustaqbalka dhaw ee UNHABITAT iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa taageero kaga hela mashaariicda caasimadda laga fuliyo   qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowlado shisheeye, waxaana Muqdisho marar badan laga fuliyay mashaariicyo horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida looga ciiday Boosaaso iyo Garoowe

Caydiid Ali

Taliska Africom oo ka hadlay xiisada dalka ka taagan fariina u diray Ciidamada

Cabdi Cade

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka laabtay Sharcigii Jiheynta Doorashada ee Mudo kororsiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---