Allbanaadir.com
NEWS

Dekaddii macmalka ahayd ee uu Mareykanka ka dhisay Gaza oo burburtay! (Sawirro)

Xaalad kale oo adag ayaa lasoo daristay dadka ku dhibaateysan magaalada la go’doomiyay ee Gaza, waxaana hadda bur burtay oo saameyn hor leh keentay dekad macmal ahaa oo Mareykanka ka dhisay magaalada Gaza.

Dekadan macmalka ah ayaa waxaa ku xiran jiray maraakiib la sheegay in ay wadaan gar gaar loogu tala galay dadka reer Gaza, waxa ayna hadda aheyd halka ugu sahlan ee gargaar loo marsiin karay shacabka Falastiin.

Mareykanka ayaa joojiyay gargaarkii uu u gaarsiin lahaa Gaza ee marinka cusub ee dekadda macmalka ah ee laga dhisay badda Gaza, kadib markii asbuucan cimilada isbedashay oo duufaan mawjado xoogan wadata ay burburisay dekadaas yar oo la sheegay inay ku baxday in ka badan $300 milyan oo dollar.

Laba markab oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo isku dayey inay badbaadiyaan dekadan badda dul sabeenaysay ayaa iyaguna khasaaro soo gaaray kuna soo caariyey xeebta Gaza.

Mareykanka oo horey loogu dhaliiceeyey taageerada uu siiyo Israel ayaa mashruucan uga gol lahaa in uu muujiyo taageerada gargaarka bini’aadamnimo ee uu gaarsiinayo shacabka ku go’adoonsan Marinka Gaza, kadib markii Israel ay diiday inay furto wadooyinka taga dhulkaasi.

Waxaa gebi ahaan joogsaday gargaarkii bini’aadamnimo ee gaari jiray Gaza tan iyo markii Israel la wareegtay xaduuda Rafah ay la wadaagto Masar, waxaana hada qarka u saaran inay sahay la’aan u xirmaan isbitaalada faro ku tiriska ah ee hada shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Mareykanka, UK iyo Faransiiska oo burburiyay diyaarado weeraro lagu fulinayay

Cabdi Cade

Nin ku noolaa cunista Qumbaha muddo 28 sannadood ah iyo Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade

duuliyayaasha diyaarada Kenya Airways oo Shaqo joojin ku dhawaaqay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade