Allbanaadir.com
NEWS

CNN oo sheegtay in duqeyntii lagu hoobtay ee ka dhacday Rafax loo adeegsaday..

Hub uu sameeyay Mareykanka ayaa loo adeegsaday weerar dhimasho badan dhaliyay oo ay Israa’iil ku qaaday xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Rafah, sida uu sheegay telefishinka CNN oo soo xiganaya muuqaal laga soo duubay goobta iyo dib u eegis ay sameeyeen khubarada hubka qarxa.

Muuqaalo CNN ayaa muujinaya teendhooyin ololaya ka dib Duqeyntii lagu sameeyay xerada barakacayaasha (IDPs) ee loo yaqaan “Xerada Nabadda Kuwait 1.”

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo CNN ay baaritaan ku sameysay, iyadoo isbarbar-dhigeysa calaamadda xerada laga soo galo iyo saqafka dhulka ku yaalla, waxaa ka muuqda raadadka bambaanooyinka yar yar ee GBU-39 ee Mareykanka uu sameeyay  sida laga soo xigtay. ilaa afar khubaro ah oo ku takhasusay hubka qarxa kuwaaso dib u eegay muuqaalka CNN.

GBU-39, oo ay soo saartay shirkadda Boeing, waa hub aad u sarreeya oo loogu talagalay in lagu weeraro bartilmaameedyada istiraatiijiga ah ee muhiimka ah sida uu CNN u sheegay khabiirka hubka qarxa Chris Cobb-Smith.

Si kastaba ha ahaatee, “Isticmaalka rasaas kasta oo intan le’eg, waxa had iyo jeer lagala kulmi karaa khataro khasaare badan oo ay ka geysan karto aagga dadku ku badan yahay,” ayuu yiri Cobb-Smith, sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada Biritishka.

Trevor Ball, oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka & xubin sare oo ka tirsan kooxda ka hortagga walxaha qarxa ayaa isna tilmaamay in hubka loo adeegsadsay weerarka ay ahaayeen bambooyinka GBU-39.

“Qaybaha hagida iyo garabka ee rasaastu inta badan way hadhaa xitaa ka dib marka rasaastu qaraxdo. Waxaan arkay qaybta dabada isla markiiba waxaan ogaaday inay tahay mid ka mid ah noocyada SDB/GBU-39.”

Afhayeenka ciidamada difaaca Israel Admiral Daniel Hagari ayaa xusay in duqaynta oo uu sheegay in lagu beegsaday taliyeyaasha sare ee Xamaas loo adeegsaday laba qori oo ay ku jiraan madaxyo yar yar oo ay qaadaya 17 kiilo oo walxaha qarxa ah

Madax bamka GBU-39 waxa uu culeyskiisu yahay 17 kiilo. Intaa waxaa dheer, lambarrada taxanaha ah ee haraagu waxay la mid yihiin kuwa laga soo saaro qaybaha GBU-39 ee lagu farsameeyo gobolka  California sida uu ogaaday CNN.

Pentagon-ka iyo Golaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa diiday iney faalo ka bixiyaan warbixinta CNN.

 

Related posts

Villa Somalia oo diyaarisay qorshe halistiisa wata oo Mucaaradka fahansaneyn !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay Nebinimo oo lagu dhex dilay Maxkamad

Caydiid Ali

Xiliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Cabdi Cade