Allbanaadir.com
NEWS

Dalal hor leh oo shaaciyey iney aqoonsi buuxa siinayan dowlada Falastiin

Ra’iisul Wasaaraha dalka Slovenia , Robert Golob ayaa ku dhawaaqay inay Khamiista toddobaadkan u gudbinayaan Baarlamaanka dalkaa go’aanka ay Slovenia ku aqoonsanayso dawladda Falastiin.

Dalkan ku yaalla koonfurta bartamaha Yurub ayaa ku biiraya safka waddamada Yurub ee aqoonsanaya dawladda Falastiin.

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa isna si buuxda u sheegay iney u diyaar garoobayaan iney aqoonsadaan dawladda Falastiin.

Baarlamaanka federaalka dalka Australia ayaa isna u codeeyay in Falastiin loo aqoonsado dal madax banaan.

Australia waxay ka mid ahayd 143 wadan oo u codeeyay in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Golaha Guud ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Dhowr waddan ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsan doonaan Dawladda Falastiin ilaa hadda sanadkan oo ay ku jiraan Barbados, Bahamas, Jamaica, iyo Trinidad iyo Tobago.

Dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa horey ugu dhawaaqay iney si rasmi u aqoonsadeen dowlada Falastiin, waxaana talaabooyinkan ka carooday Israiil.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa noqoneysa in dowladaha aqoonsiga siinaya Falastiin aysan ku jirin kuwa carabta iyo Islaamka oo dhalasho ahaan iyo diin ahaanba xiga Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, Boqorka Sacuudiga, Boqor Salmaan ayaa sannadkan ku martigeliyay Xajka 1,000 Falastiiniyiin ah oo isugu jira qoysaska shuhadada ku dhintay weerarrada Israa’iil,  dhaawacyada iyo kuwa lagu xiray, iyadoo Boqortooyadda ay daboolayso dhammaan kharaashadka ku baxaya inta ay xujeydan Falastiiniyiinta gudanayaan waajibaadka xajka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

 

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo Cabsi lasoo daristay iyo Warbixin Digniin ah oo lasii daayay

Cabdi Cade

Isbaacsiga Reer Galbeedka iyo Shiinaha oo Xasillooni Darro Ka Abuuraya Geeska Afrika !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---