Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.
Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan.
Waxaa la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.
Xisbiyada Puntland dhankooda weli kama hadlin kulankan, waxaana inta badan kulanka ka maqnaa guddoomiyeyaasha xisbiyadaas.