Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa 5 gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku garaacay markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Giriiga.
Saddex ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay markabka, kuwaaso la sheegay inay dhaawac gaarsiiyeen.
Balse markabkan oo lagu magacaabo MV Laax, ayaa la sheegay inay u suuragashay inuu sii wato safarkiisa
Weerarkan ayaa qeyb ka ah xayiraada ay Xuutiyiinta ku soo rogeen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo dalalka taageerra ee reer galbeedka,
Weerarradan oo socda tan iyo November sannadkii hore ayaa Xuutiyiinta waxay shuruud uga dhigeen si ay u joojiyaan inay ciidanka Israa’iil ka baxaan Qasa oo la joojiyo weerarrada xasuuqa ah ee ka dhacaya dhulka Falastiiniyiinta.