Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo abaabul dagaal ka wada Ceelwaaq (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland, mudane Maxamuud Sayid Aaden oo ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa maanta booqday ciidan cusub oo dhawaan tababar loosoo xiray.

Ciidankanayaa loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan, sugidda Amniga iyo howl-gallada ka dhanka  Al shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay ciidanka cusub ee daraawiishta Jubaland, ayaa kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan, howlagalada lagula dagaalamaya kooxda Al shabaab isagoo sheegay inay la garab taagan yihiin waxkasta oo ay u baahan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubaland iyo wafdigiisa oo maalmahan howla shaqo ujoogo degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa wado dadaalo balaaran oo dib loogu habeynayo Ceelwaaq, sida Amniga, maamulka iyo guud ahaan howlaha hortabinta u leh bulshada ku nool degmada Ceelwaq iyo Deeggaanada hoos yimaada.

Related posts

Madaxweyne Trump oo eedeyn yaab leh u jeediyey Xisbiga Dimoqraadiga

Caydiid Ali

Macdantii Uranium-ta ee laga waayey dalka Liibiya oo la shaaciyay in la helay

Cabdi Cade

Siyaasi kasoo goostay maamulka Somaliland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---