Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Ergay James Swan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Xamsa Barre iyo James Swan ayaa kulanka ay maanta yeesheen waxa  ay kaga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ergayga ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey,isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo lagu eedeeyay in Sabab u yihiin geerida ku timid Madaxweynaha Iran

Cabdi Cade

Wareegto ka soo baxday Duqa Muqdisho oo xilka looga qaaday Gudoomiye degmo (Aqriso)

Cabdi Cade

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu afduubtay Johannesburg iyo Booliiska oo Baadigoob wada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---