Allbanaadir.com
NEWS

Gabar aflagaado iyo hanjabaad u geesatay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la xiray

Ciidanka booliiska Galmudug , gaar ahaan kuwa ka howgala gobolka Mudug ayaa xiray gabar dhallinyaro ah oo dhawaan baraha bulshada aflagaado iyo hanjabaad dil ugu geesatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabadhan oo lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen ayaa muuqaal ay iska soo duubtay ku aflagaadeesay Madaxweynaha , waxa ayna sheegtay haddii uu yimaado degmada Wisil ee gobolka Mudug in ay Suug ku dili doonto.

Waxa ay sidoo kale gabadhan kasoo horjeeday xarig magaalada Muqdisho loogu geestay dad aflagaado iyo kicin dadweyne geestay, waxa ayna sheegtay in iyada aysan jirin cid xiri karta oo u imaan karta.

Booliiska Galmdug ayaana sheegay in gabadhan hadda la xiray ay ku socdaan baaritaanno, waxa ayna sheegeen in loo gudbin doono laamaha caddaaladda si gabadhan loogu qaado kiiska dambiyada loo heesto.

Xarigga loo geesanayo dadka u gefa madaxda dalka , sidoo kale ku kaca aflagaadada ayaa ka gudubtay magaalada Muqdisho, waxaama horey caasimadda dalka loogu xir xiray dad badan oo ku kacay aflagaad, kicin dadweyne iyo qabyaalad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Qorshayaal u hirgalay la wadaagay Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Howlgal laga sameeyay Boosaaso oo lagu qabtay hub badan oo sharcidaro ah uu lahaa…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---