Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Nairobi kaga qeyb galaya Shir arrimo muhiim ah looga hadlayo

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika uga qeybgalaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sannadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee dalalka Afrika ay kamid tahay Soomaaliya oo soo kabasho ku jirta..

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona qaar badan oo kamid ah madaxweynayaasha dalalka Africa iyo qaar badan oo ka mid ah iyo Madaxda Banka horumarinta ee qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda taas oo keentay in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa, isla markaana hay’adaha dhaqaalaha ee Adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan Dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta Maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Farmaajo waxaa isaga qaldan Madaxbanaani dal iyo Mid shaqsiyadeed”

Caydiid Ali

Xiisad ka taagan doorashadii Zimbabawe iyo Mucaaradka oo guul sheegtay

Caydiid Ali

Paul-Henri Damiba oo afgembi milateri kula wareegay xukunka dalka Burkina Faso (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---