Kooxo hubeesan ayaa caawa Xaafada Suuq Buucle ee degmada Dharkeenley waxa ay ku dileen Aabaha dhalay guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur Shuute.
Goob joogaaal ayaa ku waramay in rag hubeesan ay gudaha u galeen guriga Cali Nuur kadibna halkaasi ku toogteen, waxaana goobta isaga baxsaday ragii hubeesnaa ee dilka geestay
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray guriga lagu dilay aabaha dhalay guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida , mana jiro cid loo soo qabtay dilka caawa dhacay.
Wali lama oga cida ka dambeysay dilka caawa magaalada Muqdisho loogu geestay Cali Nuur , mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka aabaha Gudoomiyaha Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com