Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo balan-qaad yaab leh u sameeyey Israa’iil haddii dib loo soo doorto

Madaxweynihii hore eeĀ  Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay deeq bixiyayaasha ugu badan Yuhuuda ee maalqabeenada ah ee ku nool Mareykanka.

Waxaa uu u ballanqaaday haddii dib loo doorto, in si qasab ah loo kala eryi doono mudaaharaadyada iyo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta lagu taageerrayo ee ka socda gudaha Mareykanka.

Wuxuu intaa ku daray inuu sidoo kale ka masaafurin doono Mareykanka Ardayda ajnabiga ah ee ka qayb qaatay mudaaharaadyada jaamacadaha Mareykanka ee looga soo horjeedo xasuuqa ay gaysanayso Israa’iil.

Toddobaadkii hore, ayuu sidoo kale Trump u diray Israa’iil La-taliyayaashiisa iyo koox ka mid ah kuwa u ololeeya oo la kulmay Netanyahu iyagoo la wadaagay ballanqaadka Trump ee taageerrada dagaalka Qasa.

Doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo afartii sanaba mar la qabto ayaa lagu wadaa in dabaqaayada sanadkan la qabto, waxaana ku loolami doona Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga iyo Madaxweynaha talada haya Joe Biden.

 

Related posts

Maamulka Hirshabelle oo ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay dowlada Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Safaarada Mareykanka ee Muqdisho oo sababo amni darteed loo xirayo

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo ku wajahan degmada ugu muhiimsan ee G/Galgaduud ka joogaan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---