Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga Madaxweyne cusub loo dooranayo Iran oo la shaaciyey & Musharaxinta ugu cad cad

Dalka Iran, doorashada guud ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo 28 bisha June, si loo doorto Madaxweynaha beddelaya Raisi oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.

Siyaasiyiinta saameynta leh ee Iran ayaa billaabay inay abaabulaan kooxaha ololaha doorashada.

Kuwani waa magacyada ugu sarreeya ee la filayo inay doorashada Madaxweynaha ka qaybgalaan;

Siciid Jalili, oo laba jeer isu soo taagay xilka Madaxweynaha, inkastoo afar sanno ka hor uu u tanaasulay Raisi, ayaa ku dhawaaqay inuu isu soo taagi doono xilka madaxweynaha. Jalili waxa uu inta badan shaqadiisa ku soo qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa uuna ahaa madaxii wada xaajoodkii ugu weynaa ee Nukliyeerka Iran intii u dhaxeysay 2007 iyo 2013.

Toddobaadkan, madaxweynihii hore ee Mahmoud Ahmadinejad ayaa ka soo muuqday bannaanbax ka dhacay bannaanka gurigiisa, iyadoo taageerrayaashiisa ay dalbanayeen inuu u tartamo xilka Madaxweynaha. Wuxuu ka mid yahay magacyada ka soo muuqan kara doorashada.

Alireza Zakani, duqa magaalada Tehran, ayaa sheegay in uusan wax go’aan ah gaarin, laakiin ilo wareedyo ayaa sheegay inuu isku diyaarinayo doorashada.

Parviz Fattah, madaxii hore ee Mu’asasada Mostazafan,oo ah shirkad ganacsi oo weyn, ama Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Iran inta u dhaxaysa 2020 iyo 2024, ayaa midkood la filayaa inay doorashada ka qaybgalaan iyagoo matalaya kooxaha dhaqanka ee muxaafidka ah.

Shaki ayaa weli ku jira in Cali Larijani, oo ah afhayeenka baarlamaanka ee 12 sanno ee u dambeysay , isla markaana khibrad u leh dhexdhexaadinta inuu ka qaybgalayo doorashada.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah, Muhammad Mokhber, ayaa sidoo kale waxaa soo baxaysa inuu heli karo fursad uu ku tartamo.

Waxaa kalo jira magacyo kale oo saameyn ku leh Iran , kuwaaso tartami kara, waxaa ka mid ah;

Parviz Fattah, madaxa fulinta ururka EIKO, oo ah urur dhaqaale oo aad u weyn oo hoos yimaada Khamenei.

Doorashadan, waxaa sare u qaadaya xiisadda ka jirta bariga dhexe ee ka dhalatay dagaalka Qasa oo saameynta ugu xoogan ay ku leedahay Iran. Galbeedka , Carabta illaa dalalka bariga ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa diiradda saaraya inay la socdaan hoggaamiyaha xiga ee Iran iyo sida uu ula jaanqaadi karo xaaladda colaadeed ee dunidda.

 

Related posts

Al-Shabaab oo dab qabadsiiyay gaari Qaad badan siday, dadkii la socdayna dilay

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo soo saaray amar ku socda Wasaarada Amniga gudaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Faransiiska ciidamo u direen dalka Ukraine, si ay Ruushka ula dagaalaan ?

Cabdi Cade