Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland oo labo qodob kala hadlay Saraakiisha ATMIS

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay, saarkiisha cidamada ATMIS ee Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo.

Shirkan oo ka qabsoomay xerada ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin Ceelwaaq, waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha Jubaland, Wasiirka Amniga, wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka bada Jubaland iyo  wasiiru-dowlaha Wasaarada Amniga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga iyo xasiloonida degmada iyo inay ciidanka ATMIS-Kenya  sii labo jibaaraan dadaalkooda ka qayb qaadashada amniga.

Madaxwayne ku xigeenka 1aad ee Jubaland ayaa uga mahad celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkooda naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadda Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanada Jubaland.

Related posts

Sawirro Gacmeedyo uu sameeyay Wiil u dhalay Osama Bin Laden oo la hadal hayo

Cabdi Cade

Muxuu ahaa furaha uu duqa Muqdisho ku wareejiyey Madiina C/llaahi Maxed? (Sawirro)

Caydiid Ali

Shiinaha oo la sheegay in ay Doonayaan in Dayaxa xoog kula wareegaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---