Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay heshiiska caawa lagu kala saxiixday Xafiiska RW Xamse? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling, oo uu weheliyo madaxa Save the Children Somalia, Mudane Mohamud Mohamed Hassan

Waxay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya ubadkeena.

Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta adduunka, si looga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.

Related posts

Idaacad kutaala Baraawe oo amar layaab leh lagu soo rogay iyo masuul kahor yimid amarkaasi

Cabdi Cade

Machadka Damaj Islamic Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbo Joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn uu saaka la beegsaday Xoogaga Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---