Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibeda DF oo kulankii ugu horeeyey la qaatay James Swan (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay Mudane James Swan xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Intii lagu gudo-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa la iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka, iyo sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay

Related posts

Muqdisho iyo gobolada dalka oo si weyn looga dabaaldegayo Munaasabada Ciidul adxaa

Caydiid Ali

Francisco Madeira oo ka qeyb galay kulanka Golaha Amniga Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---