Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo maanta Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland, oo ay sannadka u fariisteen 21,801 arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Sarre ee gobolada Puntland.

Madaxweynaha ayaa gacantiisa ugu qeybiyey waraaqaha u horeeyay ee imtixaanka qaar ka mid ah ardayda Puntland, wuxuuna ugu duceeyay in Allaah u fududeeyo Imtixaanaadka, isagoo u rajeeyay dhammaantood mustaqbal wanaagsan.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Mudane Fu’aad Abshir Adeer iyo Bahda Waxbarashada Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo wada Qorshe Halis ku ah Falastiin iyo Wiilka uu sodoga u yahay Trump oo….

Cabdi Cade

Caro ka dhalatay masuuliyiin dukaameysanaya oo loo xiray Jid ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha kala duwan ee Dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---