Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa faray Maamullada Degmooyinka dar-dargelinta Nadaafadda Caasimadda.

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira Amniga.

Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada, nadiifinta gooobihii uu biyaha dhigay Roobka iyo dib-u-casriyeynta Nalalka Caasimadda oo kuwii hore lagu badelayo nalal la jaan-qaadaya Caasimadaha Caalamka, iyadoo mashruucan wajigiisa koowaad uu ka socdo wadada Makkah Almukarama ilaa iyo Garoonka Aadan Cadde.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay iyadoo laga duulayo waajibaadka ka saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka in la bilaabay qorshe dib loogu habeynta nidaamkii hore ee Nadaafadda Caasimadda, isla markaana ay si tijaabo ah muddo saddex bilood ah uga wada howlgeli doonaan saddexda degmo ee Shibis, Wadajir iyo Waaberi iyagoo iskaashanaya Maamulka iyo Shirkadda Qashinka ee ECCO, si xal maangal ah loogu helo caqabadaha hortaagan guul ka gaarista nadaafadda

Sidoo kale,Shirka ayaa looga hadlay Barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisayo dalka, gaar ahaan howllaha ka soconaya Golaha Murtida iyo Madadaalada, Madbacadda Qaranka, Madxafka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiye-xigeennada Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo Xog-hayaha Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isimada SSC Khaatumo oo Shaaciyay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada Puntland Go’aana soo saaray

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Agaasime Koofi & taliyeyeyaasha Booliska & socdaalka Jabuuti? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo si wadajir ah shir u guddoomiyay (Sawirro)

Cabdi Cade