Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka Israa’iiliyiin u afduubnaa kooxda Xamaas oo magaalada Qasa laga helay

Ciidamada Israa’iil ayaa magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ka helay meydadka saddex qof oo kamid ahaa dadkii u afduubnaa kooxda Xamaas, kuwaa oo la rumeysan yahay in la dilay ama duqeyn ku dhinteen.

War kasoo baxay milatariga maamulka Israa’iil ayaa lagu sheegay in meydadka saddexda qof ka heleyn magaalada Jabaliyah ee katirsan Qasa, xilli halkaasi ciidamada ka wadeen howlgal milatari.

Meydadka saddexda qof ee la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay Hanan Yablonka, Michel Nisenbaum iyo Orion Hernandez, waxa ayna saddexdan qof kamid ahaayeen dadkii Xamaas ka afduubteeb gudaha Israa’iil.

Isbuuc kahor ayaa sidan oo kale magaalada Qasa looga helay meydadka saddex qof oo kale oo Israa’iil u dhashay, kuwaa oo iyana kamid ahaa dadkii tirada badnaa ee gacanta ugu jiray kooxda Xamaas.

Xamaas ayaa horey u sheegtay qaar kamid ah dadkii ay afduub ahaanta u heesteen ay dhinteen, kaddib markii goobihii ay ku hayeen duqeymo culus ku garaaceen milatariga maamulka Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shil Khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo arrimo Xasaasi ah uga digay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

Cabdi Cade

Puntland oo soo bandhigtay xisaab celinta dhaqaalaha ay ka heshay dowlada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---