Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Cuman oo heshiis Is-afgarad ah kala saxiixday (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa hoga tusaaleynaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah, Is afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal.

Heshiiskan is afgaradk ah ayaa sidoo kale xoojinaya sii amba qaadidda dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo hannaanka iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saldanada Cumaan.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee dowlaha daneeya Soomaaliya taas oo qeyb ka ah qoraheyaasha horutabinta u leh horumarinta Kalluumeysiga gudaha, abuurista furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Kalluumeysiga taas oo horseedi doonta in dalkeeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Related posts

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay safar dibeda ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Facebooka Ashraf Qaani oo la jabsaday iyo Ereyo lagu taageerayo Taliban oo lagu qoray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---