Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada G/Banaadir oo mudeysay Xiliga la shaacinayo xukunka Koofi, Cabdul & Saabey

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Maalinta Sabtida ah ee soo socota go’aan ka gaari doonta Kiiska Dacwada Musuqa ah ee loo heysto Agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Xubnahan oo dhegeysiga dacwadoodu ka socotay  mudooyinkan Maxkamada ayaa badankood waxay yihiin maqanayaal baxsad ah inkastoo ay qabsadeen qareeno u dooda intii bay socotay dacwadooda.

Kiiskan, ayaa ah, kii maxkamadda Gobolka Banaadir ugu dheeraa ee ay abid ay qabato iyadoo ay socdeen dhageysigiisa muddo ka badan 8 bilood.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

Related posts

Cabdiweli Gaas oo ka haray tartanka doorashada Puntland & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Markab siday Xoolo kumanaan neef gaaraya oo si lama filaan ah u degay (Sawirro)

Caydiid Ali

Joe Biden oo ka hadlay Dilka Ismaaciil Haniya iyo saameynta ka dhalan karta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---