Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo maanta xiray Oday wax ka sheegay hay’adaha garsoorka dalka

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga Waabari ayaa xabsiga dhigay Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne), oo kamid ah dadka inta badan kasoo muuqda baraha bulshada isaga oo wareysi siinaya warbaahinada qaar.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Mascuud Garweyne loo xiray gaf uu u geestay hay’adaha Garsoorka dalka, sidoo kale waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno ay maxkamadaha horey u rideen.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in eedeysanaha lasoo xiray ku socdaan baaritaanno, waxa ayna xuseen in si deg deg ah loo horgeyn doono maxkamadaha kiiskiisa ku shaqada leh.

Xariigga ninkan ayaa imaanaya xilli xalay Booliiska Muqdisho xireen qaar kamid ah dad maalin hore bannaan-bax rabshado watay ka dhigay xaafada Daarusalaam, waxaa sidoo kale horey loo xiray dhallinyaro isticmaasha baraha bulshada kicin qabiil iyo bulsho waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Xubno Al Shabaab u qaabilsanaa ….

Cabdi Cade

Kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ka dhacay Xalane & RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---