Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho: Dad loo heysto rabshado ka dhacay deg. Daaru-salaam oo la xirxiray (Sawirro)

Howgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Qeyta Guud  gaar ahaan Rugta Boliiska Dagamada Daarusalaam. Waxay kusoo qabteen 15 ruux oo iskugu jira Rag iyo Dumar ku eedeysan in ay Dagmada Daarusalaan ku qabteen isku soo bax fowda ah oo sababay Qasaare kala duwan

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in dadkan la horgeyn doono Maxalamadda Awooda u leh si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Rabshado khasaare hantiyeed geystay ayaa shalay ka dhacay degmada Daarul salaam ee magaalada Muqdisho ka dib markii dowladu ku dhawaaqday in degmo rasmi ah loo aqoonsaday saddex degaan oo ay ku jirto Daarusalaam.

Dadka dibed baxa dhigayey oo hal beel ka soo jeeday ayaa diidanaa in qof aan beeshooda ka tirsaneyn uu gudoomiye ka noqdo degmada, iyagoo ku andacoonaya iney degaan ahaan beeshoodu degto halkaas ayna xaq u leeyihiin in maamulka degmada cusub qof iyaga ka tirsan loo magacaabo.

Dadka isku soo baxay ayaa sameeyey rabshado, iyagoo jidka kaliya ee degmadaas gala ku gubay taayero holcaya oo sababay inuu joogsado isku socodka Gaadiidka, sidoo kale dadka dibed baxayey ayaa dhulka soo dhigay boorar astaan u ahaa degmadaas, iyagoo dhinaca kale weeraray goobo ganacsi.

“Waxaa lagu wargalinayaa shacabka kunool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soo baxyada sababi kara falala amaanka lidiga ku ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska.

Related posts

Wasiir Cawad oo Munaasabad afurin ah u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Wasiir Fiqi

Caydiid Ali

Hees uu qaaday Fanaan Kenyan ah oo caro badan abuurtay iyo cabsi lasoo daristay Fanaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---