Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Gobolka Banaadir & heyadda IOM? (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee xal-u-helida Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Hey’adda IOM.

Madashaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada G/Banaadir, Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahna U-qeybsanaha Howlaha Bani’aadannimada Mudane George Conway, He’adda IOM iyo xubno farsamo oo ka socday Wasaaradda Qorsheynta XFS, ayaa lagu kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhigayaa sidii loo taageeri lahaa Xafiiska Xalka Waara (DSU) ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii xalwaara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ka mid tahay, Waxbarasho, Caafimaad, Deegaameyn iyo in shaqo abuur loo sameeyo.

Related posts

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalada ka qarxay Muqdisho

Caydiid Ali

Hogaanka Siyaasada ururka Xamaas oo qabtay shir jaraaid oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Saraakiil, askar & Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarka ka socda hotelka SYL

Caydiid Ali
Taboola Ads ---