Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Maxay ka wada hadleen Wakiilada Midowga Afrika & QM ee Somalia & Shariif Xasan? (Daawo Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika iyo kan Q/Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira & Nicholas Haysom ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Labada masuul ayaa Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida wararku sheegayaan waxaa kulanka diiradda lagu saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka jira dalka qaarkood iyo qaabka ugu haboon ee loo xalin karo.

Sidoo kale waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah doorashada Madaxtinimada ee bisha soo socota ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Inkastoo aan la shaacin waxyaabaha ka soo baxay kulankan ayaa haddana wararka qaar waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowlada federaalka oo uu ku eedeeyey iney fara gelin ku heyso doorashada hogaanka Koonfur Galbeed.

Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa todobaadkan bilaabay dhexdhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyagoo horey ula soo kulmay madaxda dowlad goboleedyada Juballand & Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boorar yaab leh oo lagu xardhay jidadka Muqdisho & hadal heyn ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo wax ka bedeshay wajiga labaad ee Dagaalka ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Al Siisi oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---