Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni & xubno kale oo ka qeyb galay aaska Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Max’uud (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybaglay galabta Aas Qaran oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Ku geeriyooday Shil gaari.

Munaasabadda Aaska Qaran waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Goleyaasha Dowladda Puntland, Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Qoyskii iyo Qaraabadii AHUN Xildhibaan  Cali Axmed Maxamuud.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka Tacsiyeeyay geerida AHUN Xildhibaan  Cali Axmed Maxamuud, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay oo kula kulmay Aaska Aabe Axmed Maxamuud (Aabaha dhalay Marxuumka) isagoo si guudna ugu tacsiyeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, saaxiibadiisii iyo qoyskiisii , wuxuu Madaxweynuhu Allaah  uga baryay marxuumka in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo dhammaanteena Samir iyo Iimaan inaga wada siiyo Aamiin.

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii Sheekh Muqtaar Roobow dhankooda uga soo goostay

admin

Mukhtaar Roobow oo arrin muhiim ah kala hadlay Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---